SHARE

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Maraykanka u qaabilsan Afrika ‘AFRICOM’ ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaaliya oo iskaashanaya ay duqeeyeen deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda taageersan Dowlada Islaamiga ah ama IS.

Duqeyntan oo ka dhacday deegaan ka mid ah Puntland ayaa qoraalka lagu sheegay in lagu diley mid kamid ah kooxda taageersan ururka  IS oo ka go’oday Alshabaab.

Qoraalkan ayaa lagu cadeeyay in weerarkan uu dhacay casirkii maanta oo Talaado ah ayna sii wadi doonaan duqeynta ay ka geysanayaan deegaano kamid ah Soomaaliya.

Waa markii labaad oo duqeyn loo geysanayo ururka taageersan Daacish ee Soomaaliya bishan, hase yeeshee duqeyntan ayaa kus oo beegantay xilli maanta uu ururka Alshabaab sheegay in ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah diyaaradaha wax basaasa ee Dronka loo yaqaan.

Dowlada Maraykanka ayaa xoojisay weerarada duqeynta ah ee ay ka geysanayaan deegaano kamid ah Soomaaliya iyadoo weerarada duqeyntana ay yihiin kuwo lagu qaaday ururka Al-shabaab oo isbahaysi la leh ururka Alqaacida iyo kooxda ka go’oday ee taageerta Dowlada Islaamiga ah ee Is.

LEAVE A REPLY