SHARE

Ugu yaraan 8; Qof ayaa ku dhaawacantay Qaraxa saaka ka dhacay Barkoontarool oo ku taalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Qaraxa ayaa lagu tuuray Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland waxaana halkaas ku dhaawacmay lix ka mid ah askarta Maamulka Puntland.
Rasaas ay Qarax kaddib fureen Ciidanka Puntland ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo Qof oo rayid ah,waxaana sideedda qof ee askarta iyo shacabka ahba dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Bandarqaadim ee Magaalada Boosaaso.
Ciidamada ayaa halka uu qaraxa ka dhacay ka billaabay baaritaan ay ku raadinayaan ciddii qaraxaas ka dambeysay mana jirto cid loo soo xiray ilaa hadda.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in Ciidamadiisa amaanka ay ku jiraan feejignaan dhinaca amniga ah kaddib markii ay soo baxeen in AL-shabaab ay ku wajahanyihiin Buuralayda Golis ee degaannada Puntland.

LEAVE A REPLY