SHARE

Hogaamiyaha qurba joogta ah ee hadda haya talada Maamulka Hirshabelle ayaa Sameeyay Cadaalad darro aan wali horay looga arag Maamuladii soo maray Jowhar xitaa Gudoomiyaashii Gobalka Shabeelada dhaxe,waxaana uu noqday qof kii ugu horeeyay ee Cadaalad darro xun ka sameeyay Hirshabelle.

Shacabka ku nool Deegaanada iyo Degmooyinka Hirshabelle ayaa guud ahaan ka soo horjeestay Wasiirada tirade badan ee hadana Caruurta u badan,kuwaas oo aan u qalmin in ay noqdaan Wsiiro,waxaana qaarkood la sheegay in uu lacago ka qaatay Hogaamiyaha Hirshabelle,sidaas ayaana keentay in uu Wasaarado u magacaabo.

Iyagoo Ragga Wasiirada laga dhigay aysan u qalmin in ay xambaaraan Masuulyadaas ayaa hadana waxa ay yihiin kuwo farabadan ,mana xamilo karo Maamulka Hirshabelle marka loo eego dhaqaalaha Labada Gobal ee Hirshabelle,saas oo ay tahay hadana waxaa jira qaba’illo badan oo si weyn ugu soo horjeestay magacaabista Golaha Wasiirada ee Hirshabelle.

Sidoo kale waxaa jirta xog qarsoodi ah oo uu helay Jowharfm ,kaas oo sheegaya in ay jireen Masuuliyiin badan oo ku jiray Liiska Golaha Wasiirada ,kuwaas oo Madaxtooyada ka tagay 12:00 habeenimo ,xilligaasna Liiska Golaha Wasiirada ayey ku jireen,waxa ayna aamin sanaayeen In ay ka dhexmuuqan doonaan Golaha Wasiirada ,laakiin dad kale ayaa Booskoodalagu badalay ,kadib markii uu lacag qaatay Hogamiyaha Hirshabelle.

Sidoo kale Xog kale oo aan helnay ayaa Sheegeysa in Hogaamiyaha Hirshabelle uu lacago badan ka helay 57 Wadiir eeuu ku dhawaaqay ,Sabab too ah qof walba oo Wasiir ah waxaa laga qaaday lacag si uu ugu mid noqodo Golaha Wasiirada ee Maamulka Hirshabelle.

LEAVE A REPLY