SHARE

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo dhowaan gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa 24-kii saac ee ugu dambeysay wuxuu kormeer ku tagay xarumo ciidan oo ku yaalla magaaladaasi.

Roobow ayaa kormeeray saldhiyada ay ciidamada dowladda iyo kuwa K/galbeed ka degan yihiin Baydhabo iyo duleedkeeda.

Arrintan ayaa dadka qaar waxa ay ku micneeyeen in ay tahay mid uu ku doonayo in uu guluf dagaal uu la galo Al-Shabaab ,maadaama uu Sheekha horay u sheegay in uu la dagaalami doono Al-Shabaab.

Sheekh Roobow ayaa mar kamid ahaa saraakiisha ugu sarreysa ee Al-shabaab, balse dhowaan ayuu dowladda isku soo dhiibay kadib markii uu sheegay in fikirka Al-shabaab yahay mid qaldan.

LEAVE A REPLY