SHARE

Shacabka ku nool Deegaanada hirshabelle ,waa dad taariikh qadiimi ah ah ku leh dalka,laakiin waxaad moodaa in ay ka hareen dadka kale ee Somaaliyeed ee ku nool Gobalada kale ee Dalka Somaaliya waxaana arrintaas sabab looga dhigay in Shacabka kunool Gobalada hiiraan iyo Shabeelada dhaxe aysan wali nasiib u yeelan hogaan fiican oo ka shaqeeya horomarkooda iyo sidii ay wax ula qeyb san lahaayeen dad ka lamid-ka ah ee kunool Gobalada kale ee Dalka Somaaliya waxaana mudooyinkii danbe ay noqdeen dad aan nasiib laheyn marka loo eego hogaanka Maamul Gobaleedyada Soomaray dadkan.

Hogaanka Maamul Gobaledyada ee ka jira dalka ,waxaa ay ka fikiraan,sidii dadka kunool Gobaladaas ay u heli lahaayeen Waxbarasho horomarsan ,iyo sidii Shaqo looga abuuri lahaa Dhalinyarada kunool Gobaladaas,halka Maamulka Hirshabelle ay wali ka dhamaan la’yihiin Musuq maasuq iyo in ay sameeyaan dhaqaalo,waxaana ay eegayaan oo kali ah sidii Acounadooda ay lacago ugu buuxsan lahaayeen ,taasna ma ahan mid ay dani ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed ee kunool Deegaanadaas,waana midda keentay in Shacabka Hirshabelle ay noqdaan kuwa ka haray Shacabka kale ee asaagooda ah.

Hadaba Shacabka Soomaaliyeed ee kunool Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne ayaa looga fadhiyaa in ay ka fekiraan sidii ay wax ula qeybsan lahaayeen dadka iyaga lamid ah ,waxaana ay xaq u leeyihiin in ay sameeyaan kacdoon Shacab,si ay u helaan xuquuqda ay leeyihiin Shacabka kale ee ku nool Gobalada Soomaaliya hadii aysan taas dhicin ,waxaad waligiin ku jireysaan gumeysi dad ban.

Jowhar waxa ay caan ku tahay wax soo saarka beeraha ,hadii Maamul fiican loo helo ,waxaa dadka kunool Magaalada Jowhar ay helayaan fursad ka weyn tan ay heystaan Shacabka Somaaliyeed ee kunool Gobalada kale ee Dalka Soomaaliya ,laakiin waxaad moodaa in Shacabka kunool Jowhar ay hurdaan ,waxaana loo baahan yahay in ay Maskadiina ay Shaqeyso.

LEAVE A REPLY