SHARE

Warar ay inoo soo gudbiyeen Wariyaal ku sugan Magaalada Jowhar ee Xaruunta Gobalka Shabeelada Dhaxe ayaa waxa ay shegeen in Magaaladaas ay ku soo qul-qulayaan dad aad u farabadan oo xoolo-dhaqata ah,kuwaas oo doonaya in ay xil ka helaan Maamulka Hirshabelle ,maadaama hogaamiyaha Hirshabelle uu qofkuu doonaya uu xil u magacaabo.

Dhalinyaro xoola ley ah oo ku noolaa Tuulooyinka hoos yimaada Magaalada Jowhar,waxaana Wararka na soo gaaraya ay sheegayaan in Dhalinyaradaas ay musharraxiin u yihiin in ay noqdaan qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha ee Maamulka Hirshabelle,maadaama dad aan ka aqoon badneyn ay Wasiiro ka noqdeen Maamulkaas.

Warka ayaa intaa ku daraya in Dhalinyaradaas xoola dhaqatada ah ,ay qaarkood soo iibsadeen dhowr neyf ,waxaana ay hadda gacanta ku hayaan Dhaqaalo ku filan oo ay ku noqon karaan Agaasime Wasaaradeed,maadaama qof kii lacag heysta uu lacag ka helaayo Maamulka Hirshabelle.

Dhalinyaradan ayaa hadda waxa ay ku nool yihiin Xaafado katirsan Magaalada Jowhar,waxaana ay diyaar u yihiin in ay kulamo la qaataan Hogaanka Sare ee Maamulka Hirshabelle,waxaana ay kala hadli doonaan sidii ay u heli lahaayeen Xilka Agaasimayaasha Wasaaradaha.

LEAVE A REPLY