SHARE

Warar ku soo dhacay Xafiiska Warqabadka ee Jowharfm ayaa Sheegaya in dabley hubeysan oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Ciidanka Hirshabelle ay rasaas ku fureen Gaari xamuul ah oo marayay inta u dhaxeysa Balcad iyo Magaalada Jowhar.

Goob jogaaal ayaa soo sheegaya in kooxahan ay ku sugnaayeen Beerta Muusa Suudi ,halkaas oo uu marayay gaariga xamuulka ah waxaana la soo sheegayaa in ay jiraan Qasaaro kala duwan oo soo gaaray dadkii gaariga saarnaa.

Goobtan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay fadhi u tahay kooxo Burcad ah oo dhac u geysta dadka Shacabka ah ee isticmaala inta u dhaxeysa Magaalada Jowhar iyo Magaalada Balcad.

Tan iyo waxii ka danbeeyay markii hogaanka uu hirshabelle uu qabtay Madaxwene Waare waxaa deeganadaas ku soo badanayay kooxaha Burcadda ah ee dhaca u geysta dadka Shacabka ah.

LEAVE A REPLY