SHARE

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Mudanayaasha Barlamnaka Fadaraalka Somalia ayaa si cad ugu soo horjeestay in Mooshin laga keeno xilligan Madaxda Dowladda Somalia ,waxaana uu Xildhibaankan Sheegay in dad ka wada Mooshinkan ay dano gaar ah ka leeyihiin arrintan Mooshinka ah .

Waxaana uu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, haddii ay ku milmaan kulamadaasi Siyaasadeed loo baahan yahay in ay ka eegaan Danta Ummadda Soomaaliyeed.

Hadalkan Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa imaanaya xilli Maalmihii ugu danbeeyay ay Muqdisho ka jireen kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan Siyaasiyiin Mucaarad ku ah Madaxda Sare ee Dowladda kuwaas oo uu deyn u jeedinaya Xukumadda hadda Jirta.

LEAVE A REPLY