SHARE

Warbaahinta ayaa heshay war sheegaya in uu khilaaf cusub uu soo dhexgalay labada aqal ee Barlamanka Fadaraalka Somalia kaas oo quseeya arrimo la xiriira Sharciga waana khilaaf keeni kara in uu sii balaarto.

Khilaafkan ayaa ka bilowday in Shir la doonayo in lagu qabto Magaalada Beydhaba ,kaas oo dalabkiisa uu lahaa Gudoomiyaha Barlamanka Fadaraalka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari hasayeeshee waxaa durbadiiba arrintan si weyn ugu soo horjeestay Gudoomiyaha aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha aqalka Sare ayaa lagu sheegay in Shirkaas uu yahay mid ladoonayo in lagu bur buriyo nidaamka Fadaraalisamka ah ,waxaana warqadda ay ku socotay Madaxda Maamul Gobaledyada dalka.

LEAVE A REPLY