SHARE

Dowladda Turkiga ayaa marka hore si weyn u Cambaareysay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Shalay lagu weeraray Dugsiga Tababarka Booliska ee Janaraal Kaahiye, halkaas oo ay ku dhinteen Askar ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Turkiga ayaa sheegay in ay tahay wax lagu xumaado qaraxa lala beegsaday Askar ka tirsanaa Ciidamada Booliska oo xilligaasi ku jiray Gaado ka Cayaar.

“Waxaan si xoogan u Cambaareynayaa weerarka fool xumada ahaa ee lagu qaaday Dugsiga Tababarka Booliska ee Magaalada Muqdisho,halkaas oo ay Naftooda ku waayeen 18 Askari oo ka tirsanaa Boolisaka Soomaaliya”sidaasi waxaa yiri Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Waxaana sidoo kale uu Tacsi u diray Ehelada iyo Dowladda Soomaaliya Askartii ku geeriyootay qaraxii ismiidaamintaa ahAa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Turkiga ayaa sheegay in uu garab taagnaan doono Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana uu ka taageeri doono dagaalka xoogan ee ay kula jirta Xarakada Al Shabaab.

DowalddaTurkiga ayaa Soomaaliya ka taageerto dhinacyo kala duwan,iyadoo bishii September ee Sanadkan Saldhig Milateri oo lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya ka furtay deegaanka Jasiira uu duleedka Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY