SHARE

Aroornimadii hore ee saakay ayaa waxaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaaden fariisin ciidamada dowladda ku leeyihiin Suuqa Xoolaha degmada Mahadaay ee loo yaqaano Hararka.

Dagaal mudo socday ayaa halkaasi labada dhinac uu ku dhexmaray kaas oo geystay khasaaro dhimasho ah,waxaana la soo warinayaa in ay jiraan qasoo soo gaaray labada dhinac ee halkaas ku dagaalamay,sida ay goob joogayaal xaqiijiyeen.

Dhinaca kale xiisadkale ayaa galabta ka taagan deegaankaas waxaana laga casi qabaa in markale Al Shabaab ay weerar ka geystaan Degaankaas.

LEAVE A REPLY