SHARE

Shabkada Jowharfm.com ayaa waxay heshay Xog ah in Maalmo gudaheed ay is casili doonaan Wasiiiro katirsan Xukuumada Arimo la xiriira fal celinta wixii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan weerkii Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Guriga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa waxa weerarkiisa uu dhacay xilli habeen ah oo badankood dadka Reer Muqdisho hurdayeen.

Wasiirka Amniga Dalka Maxamed Abuukar Ducaale Isloow ayaa waxa loo sheegay labo saac kadib howlgalka markii la fuliyey isagoo ka carooday in wax uusan ogeyn NISA xubno katirsan ku dhaqaaqeen.

Wasiir Isloow waxa uu diiday xitaa in muddo Saacado ah uu ka hadlo wixii dhacay taasi oo markii dambe R/wasaare Kheyre ku qasbay inuu Saxaafada kasoo hormuuqdo balse afkiisa ka dhowray in C/raxmaan C/shakuur uu qadiyadiisa ka hadlo shirkii jaraa’id uu qabtay.

Wasiirka Amniga Isloow iyo Wasiirka Warfaafinta Dalka ayaa laga yaaabaa inay is casilaan maadaama ay ka caroodeen weerarka sida uu udhacay,Jowharfm ayaa xog ku heshay in Wasiir Yariisoow uu diiday in Kaamirada lagu aadiyo shirkii jaraa’id Ee Xeer ilaaliyaha iyo Wasiirka Amniga wada qabteen.

LEAVE A REPLY