SHARE

War ka soo bay qareenka u doodaya eedeysane Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo lagu magacaabo Abuukate Tahliil Xaaji Axmed ayaa lagu sheegay in Sharci uusan aheyn iyadoo aan la wadan waaran Maxkamadeed in la weeraro guri uu leeyahay qof muwaadhin ah ,taasna arrin Sharci darra ah ayuu yiri buukaataha u doodaya kiis-ka Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

“Sharci fasaxaya ma jirto in saq dhexe loo dhaco guri, lana soo xiro, hadii uusan jirin fal dambiyeed halis ah, xeer ilaalinta waxay maxkamadda ka sheegtay in aan ruqsad maxkamadeed aanay wadan”ayuu yiri Mr Tahliil”.

Abuu kataha ayaa Sidoo kale Sheegay in ammarka Xerilaaliyaha kali ah aan lagu soo xiri kari Karin qof muwaadhin ah laakiin waxa uu Sharciga qabaa in Maxkamadda laga soo qaato warqad amreysa in la soo xiro “sidaas dardeed waa Sharci darro “ayuu yiri

LEAVE A REPLY