SHARE

Maanta oo isniin ah taariikhduna ay ku beegan tahay 25 bisha December ayaa lagu waday inu magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed uu ka furmo shir ay yeelan lahaayeen Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoonada Baarlamaanada maamul goboleedyadda.

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in shirkaasi uu u dib u dhac ku yimid oo maanta lagu waday inuu Baydhabo ka furmo.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay , waxaana lagu waddaa in Shirkaasi uu dhaco maalmaha soo socda.

Shirka Guddoonada baarlamaanka ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay Guddoonka Aqalka Sare.

Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa Garwadeen ka ah Shirkaan, waxaana lagu waddaa in lagu sameeyo Madal ay ku mideysan yihiin Guddoonada Baarlamaanada

LEAVE A REPLY