SHARE

Kulan deg deg ah ayaa goor dhaw u soo dhamaaday Xildhibaano katirsan labada golle ee baarlamaanka Soomaaliya & Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhawaan ay xirtay dawladda Faderaalka, laguna eedeeyey in uu wado falal ka soo horjeeda daganaanshaha Siyaasadeed.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa looga dooday qaabka ugu wanaagsan ee ay uga jawaabi lahaayeen dhinacyadan Racfaanka ay qortay Maxkamadda Racfaanka ee gobalka Banaadir, oo sheegtay in Kiiska Cabdiraxmaan dib loo bilaabayo dacwadiisa.

Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta qaar ayaa sheegaya in uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur si cad u sheegay in uu ka hortagayo ciidan kasta oo isku daya in ay weerar ku soo qaadaan, waxaana uu cadeeyey in uu wadiiqada rasmiga ah u marayo sharciga.

Xildhibaanada labada golle oo qaarkood la aragti noqday ayaa ku taageeray go`aankiisa, waxayna sheegeen in ay ogol yihiin oo kaliya Garsoorka dalka oo si madax banaan ku shaqeeya, balse aysan ogolaan doonin in la musuqmaasuqo Maxkamadaha dalka.

Wararku waxay cadeynayaan in ay jirtay kala aragti duwanaansho la xariira arrimaha hadda taagan oo ay qabeen xubnaha ka qeybgalay shirkan, oo qaarkood soo jeediyey in ay muhiim tahay in la tago Maxkamadda si loo dhageysto eedaha la soo jeedinayo.

Siyaasiga dacwada loo haysto ayaa hadda u muuqda mid iska difaacaya talaabooyinka uga imaanaya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, oo ku eedeynaysa in uu wado qorshe Mooshin looga keenayo Xukuumada & Madaxweynaha dalka.

Falanqeeyaasha Siyaasadeed ayaa rumeysan in xaaladdaha is huwan ee kasocda Muqdisho, ay horseedi doonaan dagaansho la’aan dheer oo cabsi weyn laga qabi karro in ay arrimaha Amniga saameyn ku yeelato.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhibsatay dhaliilaha ad adag ee uga imaanaya siyaasiinta ka soo horjeeda, laakiin xubnaha hadda la beegsaday maahan kuwa kujira golayaasha Sharci dajinta, balse la rumeysan yahay in ay ku daaban yihiin Siyaasiin waa weyn oo xilal sare ka soo qabtay dalkan.

LEAVE A REPLY