SHARE

Warar dheeraad ah ayaa ka soo bayaxa qarax Miino oo goor dhow ka dhacay Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, xilli ay marayeen nawaaxiga Wasaaradda Gaashaandhigga degmada Deyniile ee G/ Banaadir.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen 2 Qof oo uu midi ahaa Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda.

Waxaana uu xusay in goobta ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.

LEAVE A REPLY