SHARE

Maamulka aan qaan-gaarin ee lamagacbaxay Hirshabelle ayaa wali Xabsiga ku haya Wariye Cabdi Shakuur Shaashaa oo maalintii Shanaad ku xiran Xabsi ku yaala Magaalada Jowhar ee Xaruunta Gobalka Shabeelada dhaxe.

Xabsiga uu Wariyaha ku jira ayaa ah Mid Sharci darra ah ,mana jirto Shantaan Maalmood ee uu xiran yahay Wariye Cabdi Shakuur Shaashaa wax wax danbi ah oo lagu soo oogay.

Cumar Faaruuq Cusmaan Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliyeed ee NUSOJ ayaa Cambaareeyay xariga wariyahan oo wali si sharci darra ah ugu xiran Magaalada Jowhar.

Maamulka Hirshabelle oo ah Maamul aan ilaalin Xuquuqda qofka Muwaadhinka ah waxaana ay doonayaan in ay aamusiyaan Wabaahinta xorta ah Maadaama ay doonayaan in ay isku soo saaraan xerashada Wariyaasha aan danbiga laheyn.

LEAVE A REPLY