SHARE

Xogta ayaa sheegeysa in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu qorsheynayo sidii uu u abaabuli lahaa Mooshin ka dhan ah Wasiirka amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale (Islow).

Labadan shaqsi ayaa waxaa u dhaxeeya Khilaaf xoogan oo mudaba soo jiitamayay, waxaa dhowr jeer la sheegay in Jawaari uu ka codsaday Kheyre in xilka uu ka qaado wasiirka.

Wasiirka amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale (Islow) sidoo kalena ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa inta badan ka soo qeyb galaya kulamada xasaasiga ee Baarlamaanka waxaana la sheegaa inuu heysto xildhibaano dhowr ah oo si weyn ay isku taageersan yihiin.

Maxamed Sheekh Cismaan ayaa si wey kaga carooday dhaqamada uu la yimaado baarlamaanka Maxamed Abuukar Ducaale (Islow), waxaana la sheegaa inuu aad u fara galiyo go’aanada uu gaarayo gudoonka Baarlamaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in xildhibaano dhowr ah iyo Gudoomiye Jawaari ay doonayaan in xilka laga qaado wasiirka Amniga.

LEAVE A REPLY