SHARE
In Blur, Tom Rosenstiel argues that a deluge of information means every news consumer must now be their own reporter, editor and fact-checker.

War ay soo saartay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in rag la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al Shabaab ay Jareen Isgaarsiinta Magaalada Katula ee Wuqooyi bari ee Dhulka Somalida ee ay Kenya Maamusho.

Taliyaha booliska Wajeer  Stephen Ngetich,ayaa xaqiijiyay in niman hubeysan ay gantaal ku dhufteen dhismaha Laanta Sharikadda Safaricom ee Magaalada Katulo halkaas ay ku burburtay anteenadii sahleysay wada xiriirka dadka degaanka iyo dalka Kenya intiisa kale.

Sidoo kale Saraakiisha Kenya ayaa Sheegaya in Gantaalkaas uusan qasaaro ugeysan dadka Shacaka ah ,marka laga reebo waxyeelada uu soo gaarsiiyay anteenada Shirkadda Safaricom

Weerarkan ayuu sheegay in uu dhacay Axaddii iyadoo Ciidamada Amaanka ee fadhigoodu yahay Ceelwaaq iyo Kuwa Katulo uu xiriirkooda jarmay muddo kooban hayeeshee markii dambe la adeegsaday isgaarsiinta dowladda u gaarka ah.

LEAVE A REPLY