SHARE

Saakay ayey aheyd Markii qarax Miino lala eegtay Ciidamo katirsan Dowladda Somalia waxaana ka soo baxaya faa faahino dheeri ah oo laga helayo qaraxaas saakay ka dhacay Jidka Warshadaha ee Magaalada Muqdisho

Inta laxaqiijiyay laba askari ayaa ku dhintay Sedax kalane dhaawac ayaa soo gaaray qaarx miino oo lala beegsaday ciidamo booliis ah oo marayay meel u dhaw warshadii hore ee Taraqa iyo Sigaarka ee Degmada Dayniine ee Gobolkaan Banaadir.

Wararka aan ka heleyno ayaa tilamamaya in mid ka mid ah ciidamada dhaawaca soo gaaray uu yahay dhaawaciisa mid daran, halka labada kale uu dhaawacooda yahay mid fudud.

LEAVE A REPLY