SHARE

Mid ka mid ah dhallinyarad Soomaalida ah ee dalka Seychelles  lagu xukumay loona wareejiyay Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa ku geeriyooday xabsiga.

Mid ka mid ah Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wiilka geeriyooday uu u dhintay jirdil ay u geysteen Ciidamada Somaliland ee xabsiga ilaaliya.

Waxaa wiilkan uu  sheegay in sanadkii 2012kii lagu xukumay  24 Sano,iyada  ay xukunkooda qaadday Maxkamad ku taalla dalka Seychelles .

Wiilka ka mid ah Maxaabiista ayaa sheegay  in 21; qof  ay gaarayaaan,waxaana uu sheegay in xukunka jirdilka ay u geysanayaan Askarta Somaliland ay ka mid ahayd xukunka Maxkamadda Seychelles.

LEAVE A REPLY