SHARE

Xildhibaanada hirshabelle ayaa Hogaamiyaha Maamulka hirshabelle ku eedeeyay in uu san dooneynin uu ka shaqeeyo horo u socodka Maamulka Hirshabelle waxaana ay tilmaameen in ilaa iyo hadda aan la ogeyn Sababta uu Muqdisho u joogo .

Qaar kamid Xildhibaanada oo qoraal u soo diray Jowhar Fm ayaa waxaa ay Shegeen in hogaamiyaha Maamulka hirshabelle uu dano gaar ah u joogo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia waxaana uu Xildhibaanada u sheegaa in uu arrimo Shaqo ugu maqan yahay Magaalada Muqdisho.

Qoraalkan soo gaaray Jowharfm ayaa Sidoo kale waxaa lagu sheegaya in Xildhibaanada hirshabelle ay Mooshin ka keeni doonaan Hogaamiye awaare oo ah hadda Ninka ugu sareeya Maamulka Hirshabelle.

“Waare waxa uu wadaa qorsho hadda ka hor ay Xildhibaanda hirshabelle ay ka diideen Madaxweynihii hore ee Cali Cabdulaahi Cosoble mana ka yeeli doono ,waana in aan ka hor tagnaa” ayaa lagu yiri qoraalka ay Xildhibaano ka tirsan Shabelle soo gaarsiiyeen Jowharfm

LEAVE A REPLY