SHARE

Sawirrada hoos idiinkaga muuqdo, waa caruur u dhaxeeya 7-14 jir oo Jannaayo 19 Dawladda kasoo furatay siday sheegtay xarun lagu askaraynayay oo Al Shbaab ku lahaayeen Degmada Jiliyaale oo Jowhar u jirta 30-Km qiyaastii.

Waxaa caruurta oo soddomeeyo gaaraya ku jira  kuwo dhaawacyo daran ay haleelen intii hawlgalka ciidanka socday, oo ay iska kaashanayeen dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa Mareyklanka waxaana lagu dhex hilmaamay sida ururka isutaga ugu weyn ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee Somali Youth Cluster (S.Y.C) uu sheegay  xerada Xalane oo aysan kuhaysan daryeel caafimaad jir ahaan iyo maskax ahaanba.

“Waxa aan dareemayaa mauuliyad darrada ay muujiyeen hay’adaha dawliga ah ee ay qusayso gargaaar caafimaad in ay helaan caruurtan Soomaaliyeed oo qaarkood waalidkood la dilay intii hawlgalka socday” sidaasi waxaa tiri gudoomiyaha Ururka SYS Muna Xasan Axmed (Axlaa)

Waxaa gudoomiyaha ururka Somali Youth Cluster ugu baaqday Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu mas’uuliyad iska saaro sidii adeeg caafimaad u heli lahaayeen caruurtan oo laba jeer la waxyeelleeyay, waa mar e ay Al Shabaab qasab kuhaysteen, kadibna ay dawladdoodii dhaawacday, oo dhaafsiisay msutaqbalkooda, sida ay sheegtay Muna Xasan Axmed

19 January 2018 Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeedu iyo kuwa mareykanka in  ay weerar ku qaadeen iskuul ay maamulaan  Al-Shabaab xalay, ayna soo badbaadiyeen 32 caruur ah oo la tabo barayay.

Warbixin ay soo saartay horaantii bishan January hay’adda xuquuqul insaanka ee fadhigeedu yahay magaalada Newy York ee Human Rights Watch ayay ku sheegtay in tan iyo bishii September ee sanadkii 2017, Al-Shabaab ay ku amartay odayaasha deegaanka, macalimiinta jooga iskuulada diinta lagu barto, iyo bulshada reer miyiga ah in ay keenaan boqolaal caruur ah oo da’doodu tahay  sideed jir ilaa 14 jir.

 

LEAVE A REPLY