SHARE

Sida aanu ku heleyno Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi in uu ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland.

Dagaalkaan ayaa yimid ka dib markii ciidamo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ay weerar ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Somaliland sida ay wararka ka imaanaya Tukarq ay sheegayaan.

Hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa lagu adeegsanaya , waxaana degaano badan oo ka tirsan gobolka Sool laga maqlaya daryanka Madaafiicda.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xoogeysatay  xiisadda dagaal maamulada Somaliland iyo Puntland.

Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday xaalad dagaal ka dib markii ciidamada maamulka Somaliland ay qabsadeen degaanka Tukaraq.

Dowlada federaalka ah e soomaaliya ayaan ilaa hada si toos ah kaga hadlin dagaalkaasi u dhaxeeya somaliland iyo puntland ,

LEAVE A REPLY