SHARE

Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in ay bilaabeen howlgallo lagu furaayo wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab ee degaanada maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo lagu furaayo wadooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Hirshabeelle ayuu xusay in ay hadda howlgallo ka waddaan Wadada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale tilmaamay in ay howlgallo ka bilaabi doonaan degaanada gobolka Hiiraan oo bilihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ay saareen culeys badan.

Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojiyay Weerarada ay ka geysanayaan degaanada maamulka Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

LEAVE A REPLY