SHARE

Waxaa maalmaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir u dhaxeeya dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaasoo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin waxyaabihii ka qabsoomay shirarkii hore.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa sida Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho, halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu ku sugnaa Muqdisho.

Dad badan ayaa isla dhex maraya shirkan iyo waxa uu kaga duwanaan karo shirarkii hore, waxaana is weydiinta ugu badan ay tahay wajiga cusub ee shirkan lagu arki doono oo ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa horay uga qeyb galay shirarkii Golaha Amniga Qaranka ee madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxaana shirarkaas uu dhinac fadhiyay Madaxdii dowlad goboleedyada.

Hase ahaatee waxaa isha lagu hayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow inuu shirkan ka qeyb geli doono iyo in kale, maadaama qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay shirkii u dambeeyay shaki geliyeen mataalada shirka ee Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada ayaa la xusuustaa in shirkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho inay is hor-taageen inuu ka qeyb galo Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir.

Gobolka Banaadir oo aan matalaad siyaasadeed ku laheyn Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa tan iyo sanadkii hore ka soo muuqatay shirarkii qaran ee looga hadlayay aayaha siyaasadeed, hase ahaatee taas ma aanay suura gelin in lagu helo mataaladeedii siyaasadeed iyo maqaamkii Caasimadda Muqdisho.

LEAVE A REPLY