SHARE

Sida aynu ku heleyno wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan halkaasi ay xalay ku dileen nin ka mid ahaa culimadda sidda weyn looga yaqaano gobolka Hiraan.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Iidow Warsame waxaana uu ka mid ahaa Culimadda loo yaqaano Tabliiqa ee diinta Faafiya.

Xilligga la dilaayay waxaa uu kasoo baxay Masjid ku yaalla Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Baledweyne.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in horay uu ninkaasi u soo noqday Gudoomiyaha degmada Buula burde.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya oo soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa ku guuldarestay in ay gacanta kusoo dhigaan kooxihii dilka geystay.

LEAVE A REPLY