SHARE

Ciidamada Xasilinta Magaalada Muqdisho ka howlgala kaliya waxa ay ka koobnaayeen Ciidamada Booliiska, Nabad sugidda iyo Ciidamada gaarka ah Danab oo ay tababareen Saraakiisha Imaaraatka Carabta ee Muqdisho ku sugan.

Magaalada waxa ay ka sameynteen Goobo lagu baaro gaadiidka usoo gudbaya Wadada Makka Almurrama oo ah wadada ugu badan ay isticmaalaan Madaxda Dowladda.

Wadooyinka looga talaabo Wadnaha waxaa Ciidamada u xiran Wadooyinkii Xaafadaha dhexmari jiray, iyagoona kusoo kooban isgoysyada Waa weyn, gawaarida iyo dadkana ay ku baaraan.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa kulan deg deg ahaa oo ay yeesheen Laamaha Ammaanka, uuna Goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ka sheegay in Ciidamada AMISOM lagu daray howlgala lagu sugayo Amniga.

Isloow ma xusin in Ciidamada AMISOM ay kuwa dowladda ku wehlinayaan Baraha kortoroolada ee Isgoysyada iyo in ay ku siman yihiin kolka Howlgalada laga sameynayo Xaafadaha Muqdisho.

Wasiirka Amniga ayaa markale ku celiyay in aanan la ogoleen hubka culus ama hubka waa weyn ee Magaalada lala dhexmarayo, amarkii hore ee Golaha Wasiirada ayuu sheegay in la sahladay, balse markaan ay dhaqan gelin doonaan.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayuu tibaaxay in uu soo saaray amar uu kula soconayo Ciidamada Militariga ah ee Magaalada Muqdisho soo galaya, si aanan u dhicin kala shakin ama isku dhacyo kale oo ka dhex dhasha ciidamada Xasilinta iyo kuwa Xoogga dalka.

Dadka falanqeeya Amniga ayaa aaminsan qorshaha Ciidamada AMISOM loogu biiriyay Howlgalka Xasilinta amniga in loo adeegsanayo Goobaha aanan suurta galka aheyn in ay Galaan Ciidamada Dowladda xiliyada ay howlgalada wadaan.

Ciidamada Xasilinta ayaa bilaabaya Howlgalo ay ka sameynayaan degmooyinka Gobolka Banaadir sida ay sheegeen Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY