SHARE

Hogaamiyaha Jameecada Biyoole Sheekh Maana Xamzata Sheekh Maxamed  iyo Xubno katirsan Jameecada ayaa ku wajahan Magaalada London ee Dalka UK ,waxaana Socdaalkooda uu ku wajahan ka qeyb galka Siyaarada Sheekh Muxyidiin Cile oo lagu qabayo Magaalada London.

Sheekh Maana Xamzata ah Gabadh Somaliyeed oo u istaagtay in Mudda Islaamka ay baraan Diinta Saxda ah iyo Taariikhdii ay reebeen  owliyada ilaahey ,waxaana  Sheekh Maana iyo Xubnaha la shaqeeya ay Maalkooda iyo Waqtigooduba ay ku bixiyaan dariiqada Saxda ah iyo sidii ay u fahmi lahaayeen Jiilka hadda soo koraya.

Inta ay howshaan ay Maana Xamzata iyo Jameecadeeda Biyooley ay wadeen ayaa  waxa ay ku geeleysteen in dad badan oo kunool Ameerika iyo Wadamo katirsan Yurub ay si fiican u fahmaan ahmiyadda ay leedahay Diinta Islaamka,waxaana aad u yaaraday qolooyinka atti-xaadka ah ee diidanaa jiritaanka ooliyada Ilaahey iyo Masha’ikhda Somaliyeed.

Waxaad websitekan aad ka heli doontaan Taariikda Mashaa’ikhda Somaliyeed ee doorka weyn kulahaa fidinta diinta Islaamka .

LEAVE A REPLY