SHARE

Howlgalo Dowladda Ingiriiska ay ku baadi goobayaan dadka ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen dilal loo geystay dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay Xaafadda Borough of Camden ee Magaalada London.

Dilalka Dhalinyaradaan loo geystay ayaa dhacay 20-kii Febaraayo ee sanadkaani, waxaana loo adeegsaday Mindi.

Tan iyo xiligaasi Ciidamada Booliiska oo kaashanaya Waaxda Dambi baarista waxa ay wadeen baaritaanada dadka lagu tuhmayo dilalka dhalinyaradaasi.

Waxaa jira tuhun soo baxay oo sheegayay in dilalka Soomaalidaan ay ka dambeeyeen dhalinyaro u dhalatay Jamaica, Booliiskana Ma sheegin dalka ay kasoo jeedaan dadka ay qabteen.

C/Kariin Xasan iyo Sidiiq Aadan waa labada wiil ee lagu dilay weerarka Mindida loo adeegsaday ee ka dhacay Xaafadda Borough of Camden ee Magaalada London, waxaana lagu wadaa in Maanta iyo Berri la kala aaso.

Dilalka ay isku geysanayaan dhalinyarada ayaa ku korortay Magaalada London, waxayna Taasi waalidiinta dhalinyarada dalkaa kunool dhaxal-siisay in ay qaadaan walwal joogta ah.

Booliiska ayaa kordhiyay dabagalada ay ku sameynayaan dhalinyarada Soomaalida ay kamid yihiin, si ay u yareeyaan Weerada Mindida loo adeegsado ee ay isku geystaan.

LEAVE A REPLY