SHARE

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa waxaa uu ka warbixiyay heerka canshuurta degaannada Hirshabeelle iyo waxqabadka Wasaaraddiisa tan iyo markii uu xilkaas la wareegay.

Wasiirku waxaa uu sheegay in markii uu wasaaradda la wareegayay sanduuqa maaliyadda ee wasaaradda aanay waxaba ku jirin haddana ay billaabeen qaadista canshuur mideysan.

Wasiir Maxamed ayaa sheegay in Canshuurta Hirshabeelle laga qaado 50% loo wareejinayo dhinaca badaha halkaas oo uu sheegay in dakhli badan laga sameyn karo.

Waxaa uu xusay in ay diyaarinayaan labo Warshad oo dhinaca Kalluunka ah islamarkaana ay ka shaqeynayaan wax soo saarka dhinaca Badda ee Hirshabeelle in sare loo qaado si uu maaliyad ahaan maamulka isu bixiyo.

Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay ka shaqeeyaan 30 Qof oo dhallinyaro ah kuwaas oo mushaar ka qaata Bangiga adduunka isaga oo sheegay in Wasaaradaha kalena ay shaqaale qaadanayaan.

Canshuurta la saarayo waxyaabaha ka soo go’a beeraha ayuu sheegay in  la kordhinayo laftirkeeda si Hirshabeelle ay noqoto maamul isku tiirsan oo dhaqaale ahaan isbixin kar.

Hindise sharciyeedka Maaliyadda Hirshabeelle ayuu sheegay in ay diyaariyeen islamarkaana ay horgeynayaan Baarlamaanka Mamaulkaasi si loo meel mariyo.

LEAVE A REPLY