SHARE

Guddoomiyaha Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya  Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Guddigooda ay diyaar u yihiin la xisaabtanka howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Xuseen Carab Ciise waxaa uu sheegay in Ciidanka AMISOM howlgalkooda uu daba dheeraaday islamarkaana aloo baahanyahay in lagala xisaabtamo waxyaabaha u qabsoomay.

Guddoomiye Xuseen waxaa uu sheegay in Shirkii AMISOM iyo Somaliya ee lagu soo gaba gabeeyay Kampala ay la tageen qorshe ka hadlaya tayada Ciidamada dowladda Soomaaliya oo aan sidii loo baahnaa.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Soomaaliya ay u diyaarsanyihiin dagaalka Al-shabaab hayeeshee aysan heysan qalab ku filan ,beddelkoodana Ciidanka AMISOM ay shaqeeyaan.

Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa uu sheegay in hadda Ciidamada AMISOM ay kala xisaabtamayaan howlgalkooda dalka iyo halka ay ku bixiyaan qarashka ay ka helaan Beesha Caalamka ee lagu qaato Magaca Soomaaliya.

LEAVE A REPLY