SHARE

Dowladda Kenya ayaa ku wargelisay Dowladda Mareykanka in aysan xilligan suuragal ahayn in halgalka Amisom la soo gaba gabeeyo islamarkaana Ciidamada Amisom aysan haddaka bixi karin Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Kenya iyo ku xigeenkiisa ayaa waxa uu Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson.

Kulankaas ayaa looga wada hadlay taageerada Dowladda Mareykanka ee Kenya,waxaana Wasiir Rex Tillerson uu Kenya u ballan qaaday in qorsha qaran ee afarta Qodob ah ee  Uhuru Kenyatta ay wax kala qabaneyso.

Dhinaca kale waxa ay isla  soo qaadeen taageerada ammaanka ee Kenya ay ka dooneyso Mareykanka iyada oo dowladda Kenya ay Mareykanka ka dalbatay in ay kaalmo dheeraad ah oo dhinaca ammaanka ah siiyo.

Uhuru Kenyatta ayaa u sheegay Rex Tillerson in inta aan la soo gaba gabeyn hawlgalka Amisom ee Soomaaliya loo baahan yahay in dib u eegis ballaaran lagu sameeyo.

Waxa uu Mr Kenyatta sheegay in amniga Soomaaliya uu ilaa hadda ku tiirsan yahay Ciidanka Amisom haddii ay dhacdo fulinta qorshaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu saarayo ciidanka Amisomna ay dib u dhac ku tahay guulaha uu gaaray howlgalka Amisom.

Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Kampala waxaa ay ku go’aamiyeen in Ciidamada Amisom aysan ka bixi karin Soomaaliya,iyada oo haddii ay dhacdana ay taas ka dhigantahay fashil ku yimaado howlgalkaa Amisom ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY