SHARE

Wasiiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Maamulka Somaliland Dr.Cabdiwali C/llaahi Suufi ayaa wareegto uu soo saaray ku mamnuucay in deegaanada maamulkaasi laga istictaamo .so kadib markii dowladda federaalka ay lasoo wareegtay dabayaaqadkii todobaadkii tagay.

Jaamacadaha, Iskuulada iyo Goobaha Ganacsiga ayuu sheegay in muddo kooban ay u heystaan in ay kaga guuraan Astaanta Interneetka Soomaaliya ee .so

Waxa uu sheegay in isticmaalka furaha internetka .so ay shaqsiyaadkaani bilaabeen xilli ay shirkad balse haatan ay la wareegtay Dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxyaabaha ku dhaliyay go’aankaan ayuu ku sheegay in ay dhaawaceyso madaxbanaanida Maamulka Somaliland oo uu sheegay in ay horay ugu go’een Soomaaliya inteeda kale.

Maamulka Somaliland ayaa horay u sheegay in ay sameysanayaan Fure cusub, hadii Dowladda Federaalka lagu wareejiyo 252 iyo internetka .so, Maadaama ay sheegeen in aanan Muqdisho laga xukumin.

LEAVE A REPLY