SHARE

Guddiga Shaqada Macallimiinta Dalka Kenya ayaa inta badan Barayaasha ajannabiga ah ka daabulay gobolka Waqooyi Bari iyada oo uu socdo qorhe loogu beddelayo kuwa degaanka ah.

Barayaasha aan u dhalan Gobolkaas ayaa laga daabulay degaannada kala ah; Hulugho, Fafi, Ijara iyo Dadaab,waxaana la geeyay degaanno ka amaan badan gobolkaas.

Macallimiinta Soomaalida ah ee la geeyay dhulka ku xeeran Sohdinta Soomaaliya ee laga waday kuwa Ajannabiga ah ayaa iyaguna cabasho ka keenay arrintan,waxaana ay sheegeen in aanay waxba uga duwaneen kuwa laga saaray degaankaas islamarkaana ay u dheertahay mushaar yari.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa aad u cambaareeyay go’aankas,waxaana uu sheegay in ardey kasta uu xaq u leeyahay in uu waxbarto,isaga oo Guddiga ku eedeeyay in ay waxbarasho la’aan dhigayaan degaanka uu ka soo jeedo ee Waqooyi Bari.

Mid ka mid ah Macallimiinta Soomaalida ah ee Dugsiga sare ayaa sheegay in iyaguba ay dareemayaan cabsiga lagala cararay kuwa aan u dhalan degaankaas,taas oo ay u sii dheertahay in uusan qaadan mushaar ku filan.

Go’aanka lagu daabulay barayaasha aan u dhalan waqooyi bari waxaa uu soo baxay markii Al-shabaab ay dhowr jeer weerareen Barayaasha Ajanbiga ah iyaga oo qaarkood dilay kuwo kalena dhaawacay.

Barayaasha ayaa dowladda weydiistay in ay amaankooda sugto ama ay ka wareejiso degaannadaas,taas oo hadda u muuqata in Barayaasha Kenyaanka ah la geeyay Gobollada kale ee Kenya halka kuwo Soomaalida ah iyo ardeyda dhigata dugsiga sare oo loo tababaray macallinimo ay wax baraan dugsiyada ka hooseeya fasalka 8aad.

LEAVE A REPLY