SHARE

Haweeney ka mid ahayd Rakaabka Diyaaradda Emirates Airlines, ayaa iska tuurtay diyaaradda xilli ay diyaaradda isku dayeysay in ay ka duusho Garoonka Entebbe International Airport ee dalka Uganda.

Diyaaradda ayaa ka timid Dubai iyada oo wadday Rakaab,waxaana ay xilligaa dambe ay Gabadha istuureyso qaadeysay Rakaab kale oo ay u wadday dalka Imaaraadka Carabta.

Illaa hadda lama oga sababta hayeeshee qaar ka mid ah Rakaabkii saarnaa Diyaaradda ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka diyaaradda ay isku qayliyeen sidaasna isaga tuurtay albaabka ka bixidda deg degga ah.

Laanta Hawada ee dalka Uganda ayaa waxaa ay sheegtay in ay baarayaan arrintan,iyada oo Gabadha diyaaradda iska tuurtay uu soo gaaray dhaawac lana geeyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Kampala.

Qaar ka mid ah Rakaabka ayaa iyaguna sheegay in Gabadha ay wadatay dhalo ay u maleeyeen in ay ku jiraan walax qarxi kara,hayeeshee markii ay dhulka ku dhacday dhaladii jabtay.

Maydka gabadha ayaa laga qaaday goobta, waxaana socota baaritaan ku aadan sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in gabadhaan dabaqada ay iska soo tuurto.

LEAVE A REPLY