SHARE

Shir ay si wadajir ah u qabteen Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Nabad Suggida Asluubta iyo Xoogga dalka ayaa waxa ay kaga hadleen ciidankii maanta la wareegay Xarunta Golaha Shacabka.
Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa sheegay ciidanka amniga sugaayay ee Booliska awood inay u lahaayeen celinta ciidankaasi, balse ay iska daayeen sababo ku aadan in laga cabsooday dagaal inuu meesha ka dhaco.

Wuxuu sheegay Taliyaha ciidamada Booliska Ciidan hubaysan gudaha xarunta inay la galeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ku xigeenkiisa labaad Mahad Cabdalla Cawad.

Sidoo kale Taliyeyaasha Ciidamada Booliska ayaa sheegay maxkamadda ciidamada Qalabka sida in loo gudbin doono dhamaan ciidamadii xarunta Golaha Shacabka Xoogga ku galay ee la socday Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka.

Ciidamo daacad u ah Gudoomiye Jawaari iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa la wareegay Xaruntii Golaha Shacabka oo arbushaad ka sameeyay, kadib markii suuragal ay noqon waday Xildhibaanada inay galaan.

Qalalaase Siyaasadeed xoogan ayaa ka taagan Magaalada Muqdisho, marka loo eego sida xaaladda ay tahay iyo Xildhibaanada oo laba garab u kala jabay.

LEAVE A REPLY