SHARE

Wararka ka soo kordhaya xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa xaqiijinaya in ciidamo daacad u ah Gudoomiyaha Baarlamaanka ay fuuleen dabaqa Sare ee Xarunta Golaha Shacabka.

Ciidankaan oo ah kuwa badan, islamarkaana wata qoryaha Ak-47 iyo Dabajeexyo, ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u galeen xarunta Golaha Shacabka, una sii gudbeen dabaqa dhexe iyo kan sare.

Qof ku sugan Xarunta Golaha Shacabka, kana mid ah Shaqaalaha Baarlamaanka, ayaa Dhacdo.com u sheegay xaaladda inaysan sahlaneyn oo cabsi iyo walaac badan uu jiro.

“Ciidan ayaa dabaqyada fuulay oo Jawaari daacad u ah, marka xaaladda ma sahlano ciidan kale oo badana waa ay joogaan gudaha iyo Banaanka xarunta Golaha Shacabka.” Ayuu yiri qof ka mid ah Shaqaalaha Baarlamaanka.

Xaaladda oo aanan salfadhin ayaa waxaa lagu soo waramayaa in goor dhaweyd halkaasi ay gaareen Taliyeyaasha ciidanka Xoogga dalka iyo Taliyaha ciidamada Asluubta.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan xarunta Golaha Shacabka, waxaana meel kasta lala garwaaxsan yahay hubka noocyadiisa kala duwan oo ciidamada ay wataan.

LEAVE A REPLY