SHARE

Warbaahinta Al Shabaab ayaa waxa ay soo bandhigeen Wareysi laga duubay mid ka mid ah raggii isku qarxiyay Xerada Ciidamada Amisom ee Buulo mareer 1-dii Bishaan.

Sacad Xuseen Xaashi oo 42 sano jir ahaa, ayaa ka mid ahaa raggii kaxeynaayay gaadiidka qaraxyada ay ka buuxeen ee xerada ciidamada Amisom lagu weeraray.

Warbaahinta Shabaab ayaa sheegtay ninkaan 42 sano jirka ah inuu ka soo jeeda Gobolka Mudug ee Bartamaha Somaliya, uuna ka dhashay Beesha Sacad oo Habargidir ka tirsan.

Wareysiga maqalka ah ee laga duubay ninkaan, ayaa wuxuu ku sheegay inuu doortay isqarxinta si uu ugu dhibaateeyo jirkiisa ciidamada Shisheeye ee ku sugan Somaliya.

Inkastoo Sacad Xuseen Xaashi uu isku qarxiyay afaafka hore ee Xerada ciidamada Amisom ee Buulo mareer, haddana isqarxintiisa waxa ay ciidamada Shabaab u fududeysay weerarka ay ku ekeyeen Saldhiga ciidamada Amisom ee Buulo Mareer.

Ismiidaamiye Sacad ayaa kula dardaarmay xubnaha kale ee ka dambeeya ee Shabaab ka tirsan inay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Shisheeye ee ku sugan gudaha Somaliya.

LEAVE A REPLY