SHARE

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Nuur Maxamed Xasan waxaa uu kamid ahaa Wasiiradii iskood isku xil saaray in ay Dagaal lagalaan Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Fadaraalka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,kuwaas oo lacago ay leeyihiin umadda Somaliyeed u adeegsaday in ay xilka ugu qaadaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Inkastoo arrinta Jawaari ay soo dhamaatay hadana waxaa la gali doonaa qorshooyin xilalka looga qaadi doono Wasiiadii sida toos ah ugu soo horjeeday Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sababaha ay xilalka ku weyn doonaan Wasiirada uu kamid yahay Nuur Maxamed Xasan Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa ,iyo ku xigeenkiisa ayaa ah in laga gaaray Ujeedkii laga lahaa Wasiiradan ,waxaana jirta arrin ay adeegsadaan inta badan Dowladaha Caalamka taas oo ah ,”qofka marka lagu adeegto in kadib la’iska buriyo si uusan ugu ciyaarin Shaqada” Maxaayeelay waxa uu markii hore uu sameeyay ayaa ahaa qalad sidaas daraadeed laguma aamino karo Xilkan”

Sababtan ayey Xilka ku weyn doonaan Wasiiradan kamid ah Xukumadda Somalia uu kamid yahay Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Somalia Nuur Maxamed Xasan,wixii ku soo kordha arrintan kala soco www.Jowharfm.com Insha Allaah.

Xafiiska Muqdisho
Jowharfm@gmail.com

LEAVE A REPLY