SHARE

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga u xaqiijiyay inuu iska casilay xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somaliya.

Guddoomiye (Jawaari) oo si kooban ugu waramay BBC-da ayaa sheegay is casilaadiisa in ay ka dambeysay, kadib markii uu u turay shacabka Somaliyed, danaha guud ee dalka iyo inuu burbur galo Baarlamaanka.

“Waxaan idin xaqiijinayaa inaan iska casilay xilka Afhayeenka Baarlamaanka, waxaan u turay aayaha dalka iyo inuusan imaan khalalaase siyaasadeed oo fog, kaasi oo sababa in dalka uu galo burbur.” Ayuu yiri Gudoomiye (Jawaari).

Faah faahin dheeraad ah kama uusan bixinin sababaha uu isu casilay, iyo talaabada xigta ee uu qaadi doono, mana ay suurtogalin inuuu bixiyo wareysi faah faahsan oo uu bixiyo Guddoomiye (Jawaari) marka laga tago xaqiijinta is casilaadiisa.

Maalinka Arbacada ah ee soo aadan ayaa waxaa la filayaa in Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uu khudbad u jeediyo xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, taasi oo uu kaga hadlayo is casilaadiisa.

LEAVE A REPLY