SHARE

Al Shabaab ayaa xilkii uu hayay ka qaaday Sheekh Xasan Yacquub oo ku magacownaa Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Al Shabaab, kadib munaasabad ka dhacday Magaalada Ceelbuur.

Sheekh Xasan Yacquub ayaa Gobolka Galgaduud u qaabilsanaa Shabaab ku dhawaad Shan sano oo uu Gudoomiye uga ahaa Shabaab, balse shalay ayaa si rasmi ah xilkaan looga qaaday.

Sheekh Xasan Yacquub, ayaa waxaa lagu bedelay nin lagu magacaabo Sheekh C/laahi Abuu Khaalid oo ka tirsan masuuliyiinta Ururka Al Shabaab.

Lama oga sababta keentay xil ka qaadista Sheekh Xasan Yacquub, balse amuurtaan ayaa waxaa ka shaqeeyay waaxda Siyaasadda Al Shabaab u qaabilsan oo isbedelkaan sameysay.

Sheekh Xasan Yacquub wax xil ah hadda kama haayo Al Shabaab dhexdeeda, balse wuxuu ku sugan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Somaliya, sida Saraakiil laga soo xigtay.

Sarkaalka xilka laga qaaday ayaa dhibaato wayn wuxuu ku hayn jiray beelaha Gobolka dega oo hub iyo dhalinyaraba ka aruurin jiray si dagaalka Galgaduud Shabaab ay ka wadaan loogu sii cusleeyo.

LEAVE A REPLY