SHARE

Warar hoose oo soo baxaya ayaa Sheegaya in khilaaf uu soo dhexgalay Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa iyo Wasiirku xigeenka Wasaaradda Waxaana Xogta ay Jowharfm heleyso ay Sheegayaan in Khilaafkooda uu ka bilowday kadib markii la’isku fahmiwaayay Shaqaalaha Wasaaradda ka shaqeeya.

Wasiir walba waxa uu doonayaa in Wasaaradda uu keeno Shaqaale ay isku beel yihiin taas oo keentay in uu Khilaafkooda uu sii balaarto,waxaana arrintan ay tahay mid inta badan Caan ku yihiin Wasiirada ay qadiyadda Beeshooda ku weyntahay.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Sheekh Nuur ayaa isku dayay in meesha ka saaro Shaqaale ay isku beel yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxaana arrintan ka soo horjeestay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa .

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha waa Wasaaradda kali ah oo ay ka howl galaan Shaqaale badan oo ay isku beel yihiin Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha laakiin ilaa hadda lama oga qaabka loo xallin doono Khilaafkan ka soo cusboonay Wasaaradda.

LEAVE A REPLY