SHARE

Xilka sidiisaba waxaa loo hayaa dhammaan Umadda Somaliyeed laakiin Qofka qaranka u Shaqeeya waxaa uu matalaa Bulshada uu ka soo jeedo ,sidaas daraadeed waxaa lagamamaarmaan ah in Masuulka qaran isagoo gudanaya Waajibaadka qaranka hadana in uu u adeego Bulshada uu ka soo jeedo.

senator Naciimo Ibrahim Yusuf waxaa ay kamid tahay Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dalka ee Degaan Doorasheeda ay aheyd Gobalka Shabeelada Dhaxe ,gaar ahaan Magaalada Jowhar ,waxaana Doortay 51 qof oo kamid ah dadka ay ka soo jeedo,laakiin Waxaa soo baxaya Warar Cabasha ah oo ay muujinayaan dadka ka ay ka sooo jeeddo Xildhibaanaddan oo hadda aqalka Sare kamid ah.

Xubno kamid ah Ergooyinkii Doortay Xildhibaaddan ayaa waxa ay ku eedeeyeen in ay ballamo badan ay ugu baxday waxaana ay ku tilmaameen qof aan dan ka laheyn dadka iyo Deegaanka ay ka soo jeeddo sidaas darteet ayey Al-baabada ugu xiratay dad keeda.

Qoraal Cabsha ah oo nasoo gaarya ayaa tilmaamaya in Xildhibaanaddan aysan u qalmin in ay matasho Beesha ay ka soo jeeddo oo iyagu Jufo ahaan u helay Xubinta aqalka Sare oo hadda ay iyadu kursigaas ay ku fadhido laakiin ay guud ahaanba ilowday in kursigan ay dad ku matasho,sida ay qoreyso Warqad Cabasha ah oo soo gaartay Warqabadka Jowharfm .

Qaar kamid ah Xubnaha Ergada ayaa hoosta ka xarriiqay in ay ku sirmeyn Codkii ay siiyeen Naciimo Yusuf Ibrahim laakiin ay isku dayi doonaan in ay dib u eegis ay ku sameeyaan kamid ahaan-shaheeda Xubinta aqalka Sare ee Dalka .

Si kastaba ha ahaatee Xubnaha Baarlamanka Fadaraalka Somalia sida aqalka Sare iyo aqalka hoose  ayaa ah kuwo matala Beelaha ay ka yimaadaan ,waxaana Saaran Masuuliyad weyn oo la xiriirta horomarka Bulshada ay ka soo jeeddo iyo guud ahaan Shacabka ,laakiin waxaad mooddaa in Xildhibaanada qaar ay Jeebkooda kali ah u shaqeyaan ,oo waxa ay ilowday in ay umad matasho.

LEAVE A REPLY