SHARE

Ciidamada Saldhiga Degmada Yaaqshiid ayaa gacanta ku soo dhigay nin gacan ku dhiigle ahaa, kaasi oo xalay fiidkii Xaafada Tokyo ee Degmada Yaaqshiid ku dilay nin ay saaxiibo ahaayeen.

Ninka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sayid Cali Xaaji Daashow Maaneey, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada ku nool Xaafadda Tokyo ee Degmada Yaaqshiid.

Ninka dilka gaystay iyo wiilka la dilay, ayaa la sheegay in labadooduba ay ahaayeen saaxiibo, balse kan falka dilka ah gaystay uu qabay xanuun xilliyada qaar ku soo kaca, xilliga uu dilka gaysanaayayna xanuunka uu ku soo kacay.

Wararka waxa ay sheegayaan in Saldhiga Degmada Yaaqshiid uu ku xiran yahay gacan ku dhiiglaha falka dilka ah gaystay, halkaasi oo laamaha ammaanka Su’aalo ay ku waydiinayaan.

Aabaha dhalay marxuumka la dilay ayaa sheegay ciidamada inay soo qabteen ninkii falka dilka ah gaystay, wuxuuna sheegay maydka marxuumka la dilay in saaka la soo aasay.

Weli Maamulka Degmada Yaaqshiid kama hadlin dilka xalay ka dhacay Degmadaas,waxaana aad ula yaaban dadka ku nool Xaafada Tokiyada ee Degmada Yaaqshiid uu falka ka dhacay.

LEAVE A REPLY