SHARE

Dadka la nool xanuunka Adis-ka Magaalada Kismaayo ayaa sii badanaya sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland.

Cali Cabdullaahi oo ah madaxa qaybta Cudurka Aids-ka ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ugu sheegay Bahda Saxaafadda dadka xanuunkan uu hayo inay yihiin kuwa badan.

Wuxuu sheegay tirada inay badan yihiin, balse dadka hadda u diiwaangashan Wasaaradda caafimaadka Jubbaland ay tahay 45 ruux oo ku sugan Magaalada Kismaayo.

Sarkaalkaan ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Jubbaland, ayaa wuxuu sheegay in sidoo kale ay jiraan dad kale oo xanuukaan la nool, kuwaasi oo ku sugan deeganada Jubbaland, sida Gobolka Gedo, Gobolka Jubbada Dhexe iyo Gobolka Jubbada hoose.

“HIV arrintiisa Jubbaland ahaan, Jubbada Dhexe, Gedo iyo Jubbada hoose dad qaba waa ay joogaan, laakiin waa ay ku kala warbixin duwan yihiin Jubbada hoose inta la diiwaangeliyay waa 45 ruux, Gobolada kale waa jiraan dad la nool.” Ayuu yiri Sarkaalkaan.

Dadka ku nool Gobolada Jubbooyinka ayaa wuxuu ugu baaqay inay hubiyaan xaaladooda caafimaad oo ay tagaan goobaha baaritaanada ah ee dhaqaatiirta ay ku sugan yihiin.

LEAVE A REPLY