SHARE

Waxaa baaqday kulankii maanta la qorsheeyay inay yeeshaan xubnaha Baarlamaanka Somaliya, kadib markii xalay Xildhibaanada loo kala diray laba fariimood oo iska soo horjeeda.

Fariimaha u kala dhacay Xildhibaanada, ayaa la sheegay in laga soo kala diray Xafiisyada Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Xafiiska Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Somaliya.

Xafiiska Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa waxaa laga soo diray farriin lagu wargelinaayo Xildhibaanada inuu jiro kulanka Baarlamaanka, islamarkaana Jawaari uu hadal jeedin Baarlamaanka ka hor sameyn doono.

Fariin kale oo ka timid dhanka Xafiiska Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Shacabka Somaliya ayaa waxaa loo diray Xildhibaanada, iyadoo lagu wargeliyay inuusan jirin wax kulan Baarlamaan ah illaa amar dambe.

Sida muuqata C/wali Muudey ayaa is hor istaag ku sameeyay kulankii Baarlamaanka ee maanta oo Gudoomiye Jawaari hadal jeedin ka sameyn lahaa, sidoo kalena uu bixin lahaa macluumaad badan oo ku aadan waxyaabaha ku kalifay iscasilaadiisa.

Gudoomiye Jawaari ayaa sida muuqata wuxuu la kulmayaa cadaadis kala duwan oo kaga yimid dhanka Madaxtooyadda Somaliya, maadaama shalay isaga oo Warbaahinta la hadlay ay ka muuqatay qanacsanaan la’aan badan oo wajigiisa laga dareemaayay iyo hadaladiisa.

LEAVE A REPLY