SHARE

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dil xalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kaasi oo ay geysteen laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, kana tirsan ururka Al-shabaab, sida ay sheegeen Hay’daha ammaanka.

Masuulka la dilay oo lagu magacaabi jiray Axmed Deeq Cali (Hayaan) ayaa waxa uu ahaa xisaabiyihii Guud ee Dowladda Hoose Magaalada Gaalkacyo qeybta Maamulka Puntland, maadaama dilka uu ka dhacay qeybta Waqooyiga.

Ragga dilka geystay ayaa dhawr xabadood kaga dhuftay masuulka ay dileen qeybta sare ee jirkiisa, kadibna goobta ayay ka baxsadeen, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidanka ammaanka Magaalada Gaalkacyo.

Axmed Deeq Cali (Hayaan) ayaa dhaawac ahaan looga qaaday goobta, waxaana markii dambe uu ku geeryooday isbitaalka Guud ee Xarunta Gobolka Mudug, oo markii hore loola cararay.

Ciidanka ammaanka oo ka jawaabayay dilkan ayaa sameeyay baaritaano amni xaqiijin ah, waxayna dilkan u soo qabteen tiro dhalinyaro ah oo hada ay gacanta ku hayaan Hay’adaha ammaanka si baaritaano loogu sameeyo.

Meydka Marxuum Axmed Deeq Cali Hayaan oo ahaa Xisaabihii Guud ee Dowladda Hoose Gaalkacyo ayaa saaka la filayaa in lagu aaso Qabuuro ku yaala Gaalkacyo, waxaana ka qeybgali doona aaskiisa masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY