SHARE

Ugu yaraan Shan ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, kadib markii laba guri oo ku yaalo Magaalada Muqdisho ay soo dumeen, xalay iyo shalay gelinkii dambe.

Guriga shalay galab dumay ayaa wuxuu ku yaalla Degmada Wardhiigley, gaar ahaan Xaafadda Xamar Jadiid, waxaana halkaasi ku dhintay Afar qof oo ilmo yar ay ku jiraan sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Dhismaha guriga oo ahaa mid qadiimi ahaa ayaa sabab u noqday inuu soo dumo, kadibna ay ku geeriyoodaan qaar ka mid ah dadkii guriga deganaa.

Sidoo kale isla xalay waxaa dumay guri kale oo ku yaalla Degmada Kaaraan, gaar ahaan Xaafadda Suuq Arjantiin ee Degmadaasi waxaana halkaasi ku dhintay ilmo yar, halka mid kalena uu dhaawac yahay, waxaa sidoo kale dhaawac ah ilmaha yar ayeeydood.

Xalay waqtigii uu gurigaan soo dumaayay ayaa waxaa Muqdisho ka da’aayay roob xooggan, waxayna dadka sheegeen darbi ka mid ah guriga inuu soo dumay.

Dhismaha guryaha qadiimiga ah ayaa waxa ay halis ku yihiin nolosha dadka degan guryahaasi oo halis ku ah inuu guriga ku soo dumo, islamarkaana uu saameeyo nolosha dadka ku nool gurigaasi.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qaba guryo kale oo qadiimi ah oo ku yaallo Degmooyinka Xamar weyne iyo Shibis inay dumaan, waxaana jirta digniin dadka loo diraayo oo ku aadan halista guryaha qadiimiga ah ka dhalan karta.

LEAVE A REPLY