SHARE

Warar soo baxaya ayaa Sheegaya in koox tahriibayaal ah oo uu si Sharci darra ah ku waday Ninka ku qaraabta Magaca NUSOJ ee la yiraahdo Cumar Faaruuq ay in mudda ah ku xirnaayeen Xabsi ku yaala Dalka Itoobiya ,kadib markii laga war helay in ay si sharci darra ah ugu socdaan dalka Talyaaniga.

Sirdoonka Itoobiya ayaa Ogaaday in raggan ay u socdaan qaab tahriib ahaan ,Cumar Faaruuqna waa uu ka horeeyay ,oo waxa  uu deganaa Hotel ku yaala Adis ababa ,waxaana dadkan oo u bad naa Dhalinyaro laga keenay qaar kamid ah Gobalada Somalia iyo Muqdisho kuwa ka tagay.

Itoobiya ayaa markii ay qabatay raggan waxaa ay la soo baxeen kaarar ay ku sheegayaan in ay yihiin dad Wariyaal ah ,waxaana durbadiiba ay Xukumadda Ads ababa ay la soo xiriirtay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibrahim Macallimow laakiin Nasiib darro markii Magacyada ragas loo sheegay Macallinka wuu garan waayay sidaas ayeyna ku muteysteen in ay Xabsiga ku galaan ,inkastoo markii danbe la sii daayay .

Cumar Faaruuq oo dadka Si sharci darra ah u tahriibiya isagoo u Sheegaya in ay ka qeyb galayaan Siminaarro laakiin uu lacago badan ka qaato markii uu geeyana halkii uu siminaarka ka socday ay is dhiibaan.

Ugu danbeyntii Ninkan ayaa Dhibaato ku haya dalka ,dadka wuxuuna qattar ku yahay wadamo badan ,maadaama uu san aqoon u laheyn uu u tahriibinayo wadamo Shisheeye ,wuxuuna eeganayaa oo kali lacagta uu ka qaadanayo.

LEAVE A REPLY